Duuliye Dawladdii Soomaaliya Hargeysa uga soo Shaqeeyay oo loo Magacaabay Jananka Ciidanka Soomaaliya

0
45

Hargeysa(Gudgude)- Ra’iisul-wasaaraha dawladda Muqdisho, Xasan Cali Khayre, ayaa  Taliyaha Ciidanka  Millatariga Soomaaliya u magacaabay Gen. Cabdiweli Jaamac Gorod oo ka mid ahaa duuliyeyaashii waday diyaaradihii taliskii Siyaad Barre ee cadaadiska ku hayay shacabka Somaliland.

Taariikh nololeedka Janankan waxa taariikhdiisa qoray  Weriyaha BBC-da ee Cabdirisaaq Catoosh, siday faafisay shabakada Sayruuq oo aanu ka soo xiganay.waxaanu taariikh nololeedkiisu u qornaa sidan:-
“Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1950-kii. Iskuulka Hoose/dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka galay iskuulka farsamada gacanta ee magaalada Muqdisho.

 

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii. Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii waxaanu  waxbarashada luuqada Ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la odhan jiray Midowga Sofyeeti. 1977-dii waxa uu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka. Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah. Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle. 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo beddelay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Kismaayo halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

1984-tii waxa uu qaatay derajada saddax xidigle waxaana loo beddelay magaaladda Hargeysa. Waxaa berigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaanno Biyaajo 160 oo Talyaaniga lagu sameeyay.

1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo. Saddax bilood ka dibna waxaa loo beddelay Muqdisho oo wuxuu cilmi korodhsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la odhan jiray OMC oo dawladda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Wuxuu noqday gaashaanle sare. Isagoo gaashaanle sare ah ayayna burburtay dawladii Siyaad Barre. Jeneral Gorod dawladii Carte ee Cabdiqaasim ayuu ka noqday wasiirka dekedaha. Labo sanno ayaanu  hayay xilkaasi. wuxuu dhalay siddeed caruur. Waxaanu  degan yahay magaaladda London.”

Gudgude/Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here