Guddoomiyaha Diwaanka Sekadda oo Shacabka ku Adkeeyay Xoojinta

0
52

Hargeysa(Gudgude)- Guddoomiyaha Hay’adda diiwaanka sekadda Somaliland,  Sheekh Siciid Maxamed Faarax, ayaa khudbadii jimcaha ee  maanta masjidka Sheekh Cali Cismaan oo ku yaalla xaafadda Jig-jiga yar ee Hargeysa wuxuu   kaga hadlay qiimaha nabaddu  u leedahay iyo ahmiyadda ay ugu fadhido shacabka Somaliland.

Waxa kaloo uu sharraxay  sida  shacabka Somaliland ay  u dareensan yihiin nimcada xasiloonida iyo nabadgelyada. Waxaanu intaas ku daray in dalal Somaliland la jaar ahi aanay haysan nimcada amaanka.

Sheekhu waxa uu dadweynaha ku booriyay inay ka shaqeeyaan  xoojinta nabadgelyada dalka.  “Amniga haddii khalkhal ku dhaco,  waxa halis gelaysa cibaadada bulshaddu ay Alle dartii u samaynayaan ee ay aakhiro u shaqaysanayaan  oo qof baqayaa ma  cibaadaysan karo, niyadii looga baahnaa iyo khushuucdiina lama iman karo. Amniga Alle ayaa bixiya. bini’aadanku sabab uun buu u noqdaaye, amnigu maaha mid marwalba waara, waxaa loo baahan yahay in dadku la yimaadaan asaabihii ay nabadgelyadu ku sii jiri lahayd,”ayuu yidhi Guddoomiyaha diwaanka Sekadda Sh. Siciid Maxamed Faarax.

“Sababta Alle qisooyinka u soo dajiyay waa inay dadku nabadgelyo  u helaan, si naftooda, maalkooda iyo cirdigooduba u badbaadaan, oo ay amni u kala helaan. Ummadaha inala jaarka ah qaarkood amni daraa ku dhacday, wax badan baa gaadhay. Markaa innaga waxaa la innaga doonayaa inaynu arrimaha amniga wax yeelaya ka fogaanno.”

 

Sheekh Siciid wuxuu  amaanay ciidammada nabadgelyada Somaliland oo uu xusay inuu ku bogaadinayo  waajibaadka culus ee ay u hayaan  dalka.“Waxaynu halkan uga ducaynaaa ciidammada amaanka oo   qadarka ay qaataan ay aad  u yar tahay, hase yeeshee  hadh iyo habeenba way inoo taagan yihiin  oo waxay ilaalinayaan amnigeenna. Waxaan  ciidammada  leeyahay waannu  idin bogaadinayaa Alle ha ka abaal mariyo oo miisaanka xasanaadka ha ugu daro,”ayuu yidhi Guddoomiyaha diwaanka Sekaddu.

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay doorashada madaxtooyada  ee waddanka ka qabsoomaysa 13-ka Bisha November, waxaanu yidhi;  “Doorashada waxaan leeyahay waxba yaan la xiiqin, saddexda  murrashax kii Alle doortay wuu helayaa. Alle waxaynu ka baryaynaa inuu mid khayr qaba inoo noqdo. Innagana waxa innagu waajib ah haddaynu nahay shacabkii in aynu la shaqayno kii soo baxa.”  Sh. Siciid wuxuu  shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan xasadka iyo wixii kala fogeynaya wadajirka ummadda reer Somaliland.

Gudgude/Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here