Faysal Cali Waraabe Oo Eedo U Jeediyay Guddi Wasiirro Ah Oo Madaxweyne Biixi U Xil-saaray Xal U Helida Sicir-bararka

0
107

Hargeysa(Gudgude) –  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCIDEng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Biixidoonayso inay wax kaga qabato Sicir-bararka xadhkaha goostay ee dalka ka jira.

 

Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey Kulan loogu Magac-daray ‘Kasmo-wadaag’ oo ay Hargeysa ku qabatay Xarunta falan-qaynta Siyaasadda CPA, ayaa sheegay in waxa Somaliland halkaa dhigay tahay Aqoon-darro, isagoo tusaale u soo qaatay Guddi Wasiirro ah oo Madaxweynuhu u Xil-saaray inay Xal ka gaadhaan Sicir-bararka Dalka ka jira. Guddoomiyaha oo ugu horreyn ka hadlaya sida Dadweynaha reer Somaliland aanay aqoonta ugu lahayn Dawladnimada.

 

“Dawladnimada waxaynu ka baranay inay Reerruhu Wasiirnimo u tartamaan, reer Hebel Wasiir lama siin, hadda Waddo ma lihin, Caafimaad ma lihin, Qashinka la inagama Ururiyo, innaga waxa iskugu keen biiray Dawlad-xumo iyo aqoon-darro, haddaynu aqoon leenahay, Aqoontu Dawlad wanaagsan ayay dhisi
ahayd..” ayuu yidhi Guddoomiyaha  xisbiga UCID.
Guddoomiyaha UCID wuxuu dhaliilay Guddiga Wasiirrada ah ee Madaxweynuhu u xil saaray inay Xal ka gaadhaan Sicir-bararka “Muuse Biixi waad maqlayseen, wuxuu yidhi
Saddex Maalmood i suga Sicir-bararka jawaab baan ka keenayaaye, Qiyaas buu
samaynayaa, Adduunka wax la Qiyaasaa ma jiro, Guddi buu sameeyay, waa ayo? Waa
Wasiirradii yaraa ee uu dhawaan Magacaabay, Xasan Gaafaadhi baa Guddoomiye u ah,
ma Sicir-bararka iyo Dhaqaalaha ayuu yaqaanaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey
“labadii Shirkadood ee Telesom iyo Dahabshiil ee nafta ku hayey Dawladda ayuu markiiba
dagaal ku bilaabay oo uu yidhi Zaadka xidha, markaa Aqoon-darro ayaa inna haysa ee
aynu doonano Cid inna barta sida Dawladuhu u shaqeeyaan.”

 

Gudgude.com 2018

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here