Madaxweynaha Puntland  oo Kala Xaajooday  QM Qoddobo la Xidhiidha Siyaasadda

0
221

 

Garoowe- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wefti uu Hoggaaminayey Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee Dhinaca Aadanaha Peter De Clercq.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa waxay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha  siyaasada, abaaraha ka jira Puntland iyo xaaladaha guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa inta uu socday kulankoodu waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa mashaariicda hormarineed ee UN ku ka fuliyaan Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagan tahay sidii loo heli lahaa dawladnimo Soomaaliyeed oo buuxda oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, si loo helo shacab iyo dawlad isku duuban oo si wada jira uga hor taga xaalada cakiran ee Soomaaliya

.Sidoo kale ku xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya dhinaca aadanha Peter De Clercq ayaa dawaladda Puntland ku amaaney doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qaadatay Nabadda, iyo xasilinta Soomaaliya, islamr ahaantaana wuxuu Peter De Clercq dawladda Puntland Ku amaaney inay qayb lixaad leh ka qaadato ka shaqaynta arimaha bini aadantinimada.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland ayaa Peter De Clercq iyo weftiga la socdey si qoto dheer ugaas xog Waramey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona Madaxweynahu sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, dhinaca kale wuxuu tilmaamey madaxweynhu in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax leh ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee reer Puntland.

 

Gudgude.com 2018

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here