Madaxweyne Muuse Biixi oo Warbaahinta Dubia u Faahfaahiyey  Qaranimmada Somaliland

0
269
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

 

Dubia(Gudgude)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey shir jaraa’id  oo uu jimcihii  maanta ku qabtay Magaalada Dubai ayaa sheegay inaanay Soomaaliya  lahayn awood iyo xeelad ay ku farogeliso hawlaha  dalkiisu qabsanayo, waxaanu dhawaaqa ka soo yeedhay Soomaaliya  ee ka dhanka ah heshiiska DP World uu  ku sifeeyey maad ah.

Siday wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA  ka soo xigatay Gulf News, Madaxweynaha Somaliland wuxuu shirkaas saxaafadeed ku faahfaahiyey in Somaliland tahay  waddan  madax-bannaan oo dimuqraadi ah, waxaanu madaxweynuhu intaas ku daray in xukuumadiisu ay fulin doonto heshiiska ay la gashay shirkadda DP World.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku dooday in Soomaaliya aanay sharci u lahayn inay hor istaagto sida  ay  loo maamulayo dekedda Berbera.

“Waxaanu  heshiis  la saxeexanay DP World iyo dawladda Imaaraadka carabta , annagoo ah qaran madax-bannaan. Waxaana fulin doonta taabogelinta heshiiskan xukuumadayda, waxaan hubaa in aanay Soomaaliya wax saamayn ah oo taban ku yeelan karin heshiiskan,”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan Dubia ayaa  la kulmay  Sheekh Mansour Bin Zayed Al Nahyan  Ra’iisul-wasaare ku xigeenka Imaaraadka ahna wasiirka madaxtooyada ee dalkaas, waxaanay ka wada hadleen  arrimo ay ka mid ahaayeen ammaanka, socdaalka, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo qodobo ku saabsan arrimaha mandaqada.

Gudgude.com/Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here