Sannadka 1-aad ee Waxqabadka Xukuumadda Somaliland Qaybtii 2-aad

0
167
Wasiirka Beeraha oo dul taagan calafka xoolaha ee laga jaray beeraha ka baxay dalka (PHOTO FILE)

Wax-soosaarka Beeraha:

Xukuumaddu iyadoo ka duullaysa ballanqaadkeedii xagga Wax-soosaarka waxay bilowday beerista mashruuca banka Wajaalle oo la qoday xilligii roobabka ee 2018, 3,172 Saacadood oo u dhiganta 720 Hiktar oo laga beeray dallagyo kala duwan sida Hadhuudhka, Galleyda iyo Digirta. Dhammaan kharashkii ku baxay beeritaanka Mashruuca Wajaalle waxa  bixisay Xukuumadda Somaliland. Sidoo kalena, waxay dayactir ku sameysay cagafyadii iyo Gaadiidkii ka hawlgalayey mashruuca Tog-Wajaalle.

Taakuleynta Beeralleyda:

Gobollada Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Awdal, Hawd, Daad-madheedh, Saraar, Salel, Sool iyo Sanaag ayey  bulshada kala degan degaannadaas 9000  oo qoys ka mid ah  u qeybisay 27 kun oo Saacadood oo Qodaal ah. Waxa intaas dheer in Xukuumaddu ay daahfurtay Mashruuca qodaalka Xaaxi, kaasi oo Xukuumaddu beertay  900 Hiktar. Sidoo kalena, waxay gacanta ka gelisay xafiiska beeraha ee Gobolka Daad-madheedh laba Cagaf oo kuwa beeraha ah loona yaqaan Massey Ferguson. Dhulka baaxadaas leh ee la beeray waxa laga filayaa wax-soosaar ballaadhan iyo in sidoo kale laga helo calaf xoolaad oo lagu baxsado xilliga abaaraha.

Xanaannada Xoolaha:

Xoolaha oo udub-dhaxaad u ah dhaqaalaha dalka ayaa ka mid ah meelaha xooga la saaray, iyadoo la qaaday olole ballaadhan oo xoolaha lagu talaalayo, waxaana Saddex Milyan oo Riyo ah laga talaalay cudurka Sambabka, waxaana ka qaybqaatay shaqaale ay ka mid yihiin Dhakhaatiirta Xanaannada Xoolaha oo tiradoodu dhan yihiin 250 qof, kuwaasi oo u qeybsanaa 47 kooxood oo koox waliba gaadiidkeedii wadatay. Ololahan oo lagu jiray muddo laba bilood ah waxa ka faa’iidaystay xoolo-ley tiradooda lagu qiyaasay in ka badan konton kun oo qoys. Waxa  kaloo jiray ololaha  daaweynta xoolaha oo barbar socday kan tallaalka oo xoolaha lagaga daweynayey dullinka degel fadhiga ah oo ka mid ah kuwa nugleeya xoolaha awooddooda, waxaana la daweeyey  2,028,305 Neef.

Xukuumaddu iyadoo la kaashanaysa Qaadhaan-bixiyayaasha waxay dib u xoolleyn u sameysay dadkii ku caydhoobay abaarihii 2017kii oo tiro ahaan dhan 1,327 Qoys oo ku kala nool Gobollada Togdheer, Daad-madheedh, Awdal iyo Saaxil. Sidaas si la mid ah waxay Xukuumaddu 4,120 Qoys oo ka mid ahaa dadkii Beeralleyda ahaa  mid kasta siisay $75 Doolar, kuwaasi oo ku kala nool Gobollada Sool, Saraar,  Awdal, Salel iyo Sanaag.

Xoolaha Dekedda ka dhoofay waxay dhan yihiin isku-geynta wadartoodu, 1,199, 337 oo isku jira Geel, Adhi iyo Lo’.

Kalluumaysiga:

Waxa Gobollada  Xeebaha dalka qaarkood laga fuliyey dhismeyaal xarumo lagu keydiyo Kalluunka waxaana ka mid ah deegaannada laga sameeyey Maydh, Laas-uur-weyne, Laas-qorey, Bullaxaar, iyo Berbera, waxa dhismeyaashaas  dhammaantood la dhigay mid walba hal baraf-dhaliye, marka laga reebo Berbera iyo Bullaxaar oo la dhigay min laba Baraf-dhaliye, iyadoo Geesta kalena Xukuumaddu u qeybisay iskaashatooyinka Kalluumaysatada Toddoba Doonyood. Dedaalkaas la geliyey Kalluumaysiga oo haddii la xoojiyo ka mid noqonaya ilaha waaweyn ee wax-soosaarka, gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha, waxaana ka soo xerooday sannadkan 1,200,000  oo Doolar, iyadoo xaddiga Kulluun ee la soo dabey lagu qiyaasay 2,024,238 Tons,  waxaana dakhligaas kordhay u sabab ah baraf-dhaliyeyaasha iyo dhismeyaasha laga sameeyey Gobollada dalka, kuwaasi oo yareeyey kalluunkii khasaarayey.

Sahaminta Shiidaalka:

Sahaminta Shiidaalka ee ka socotay Gobollada Saaxil iyo Sanaag oo ay wadday Shirkadda “RAK GAS” ayaa Xukuumaddu badhtamihii sannadkan soo gabogabeysay, kadib markii gebi ahaanba la dhammeeyey laymankii baadhitaan ee asalka guud ahaa oo ay masaafadiisu dhan tahay 800Km. Sidoo kale waxa soo dhammaaday sahaminta Shiidaalka qeybo ka mid ah gobollada Maroodijeex, Sanaag iyo Togdheer oo ay ka sameysay Shirkadda BGP oo ah shirkad laga leeyahay waddanka Shiinaha. Goobaha shirkadda “Genel Energy” ee leh sumadaha (SL6,SL7a, SL10 iyo SL13), dhulka sahaminta laga sameeyeyna waxaa masaafadiisu dhan tahay 3500Km.

Sannadkan 2018ka, waxaa Xukuumadda u suurtogashay ansixinta Xeerka  Tamarta Korontada oo curintiisa la soo bilaabay sannadkii 2011kii, isla markaana soo maray marxalado kala duwan oo iskugu jiray kaabis iyo wax ka beddel. Sidoo kalena waxay dedaal ugu jirtaa ansixinta Xeerka Sahaminta, soosaarida shiidaalka iyo Xeerka Dakhliga Shiidaalka, kuwaas oo muddaba ku jiray gacanta Golaha Wakiillada.

Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska oo lagu middeeyey hal wasaarad waxa ay curisay Siyaasaddii iyo Xeerarkii lagu hagi lahaa Wasaaradda cusub, waxayna illaa hadda gacanta ku haysaa shan Xeer oo iskugu jira Siyaasadda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska.

Xakameynta Sicir-bararka

Muddada Sannadka ah ee Xukuumadda cusubi jirtay, waxa bil walba bisha ka dambeysa hoos u sii dhacayey sicir-bararka ka jira Somaliland. Tusaale ahaan Bishii Feberwari 2018 waxa Sicir bararku taagnaa 19.1%, March, 18.9%, April, 18.3%, May 17.6%, June 15%, July 13.6%, August 13.7%, September 9.6% halka uu wali hoos uga sii socdo Sicir bararku bilaha soo hadhay ee October, November iyo December ee 2018 oo aan ka muuqan jaantuskan.

 Asbaabaha Sal-dhigidda Qiimaha Shilinka Somaliland:

  • Xukuumadda oo xakameysay Kharashaadkii Dawladda Dhexe.
  • Baanka oo Xaddiday lacagta Shilinka Somaliland ee suuqa galaysa maalin kasta.

Xogahan oo uu bixiyey Baanka Dhexe ee JSL ayaa waxay sidoo kale curiyeen ilaa lix xeer oo ku saabsan Baananka, Kahortagga Maydhitaanka lacagaha, Xawaalladaha, Nidaamka lacag bixinta, Baananka islaamiga ah iyo Xeerka Baanka Dhexe.

Kaabayaasha Dhaqaalaha:

Dhismaha iyo Dayactirka Waddooyinka

Waddada  isku xidha Ceerigaabo iyo Burco waxa lagu daray 59km oo laami ah oo laga bixiyey Qasnada Dawladda. Sidoo kale waxay Xukuumaddu ka qaybqaadatay jidka isku xidha Gobollada Awdal iyo Salel, kaas oo ay ka caawisay dhismaha 10Km ee ugu horreeyey, waxa kaloo la dhammaystiray bixinta qandaraaska dib u dhiska jidka Laamiga ah ee u dhexeeya Hargeysa illaa Kala-baydh oo dhan 60Km oo la saari doono lakab Daamur ah (Roog), Geesta kalena waxa Xukuumaddu calaamado u sameysay laba Haad ee Gaadiidku maro ee isku xidha Jidka Berbera illaa Tuulada Macaaneeya, si loo yareeyo shilalka faraha badan oo intooda badani halkaas ka dhacaan.

Xukuumaddu waxay dayactir ballaadhan ku sameysay jidka Isku-xidha Laascaanood illaa Tuka-raq oo dhan 52Km iyo sidoo kale Waddada isku xidha Berbera illaa Burco oo dhererkiisu dhan yahay 130Km, kaas oo haatan maraya magaalada Sheekh. Dhismayaasha iyo dayactirka Waddooyinka waxa kale oo Xukuumaddu barbar wadday dayactirka buundooyinka iyo Biriishyada  sida Buundada Xamaas ee Miridho, Biriishyada Kala-jab iyo Dubur, Irish Biriishka ka sameysnaa Dooxa Cabaad-weyne ee Lafo-ruug iyo Biriishka Geel-lookor iyo Xayramadle. Waxa la diwaangeliyey Gaadiidka Dawladda oo aan hore u habaysneyn macluumaadka laga hayey, kaas oo 2018ka loo sameeyey diiwaangelin rasmi ah oo ay ka mid tahay tiro-koobka Gaadiidka Dawladda, noocooda, Lambarrada Caqaayadaha, Lambarrada Injiinnada, Sumadda Baabuurka, Sawirka Gaadhiga iyo masuulka Gaadhiga.

Sidaas si la mid ah waxa la casriyeeyey sumadda Gaadiidka shacabka gaar ahaan lambarrada Taarikada,mulkiyada iyo liisamada wadista Gaadiidka, iyadoo hadda imtixaanka liisamada cusub lagu galayo ballan (Online) oo laga dhex sameynayo Websiteka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka www.somalilandtransport.com.

Waxa kaloo Xukuumaddu ay curisay Xeerka Gaadiidka Badda oo aan hore u jirin. Sidoo kalena waxay wax ka beddel ku sameysay Xeer No:56/2013 ee Xeerka Waddo marista Gaadiidka.

Qalabyada Horumarinta Isgaadhsiinta(Qalabka Dakhli Ururinta)

Xukuumaddu waxay soo iibsatay qalab cusub oo lagu ogaanayo dakhliga Shirkadaha Isgaadhsiinta,iyadoo si hufan looga qaadi doono cashuuraha sannadlaha ah ee sharci ahaan ku waajibay. Qalabkan oo dadka qaarkii si khalad ah u turjumeen kuna tilmaameen inuu yahay mid bulshada lagu dhegaysanayo ayaa waxay xaqiiqada dhabta ahi tahay, in qalabkani uu yahay kaliya mid loo adeegsanayo xisaabinta adeegyada Isgaadhsiinta ee ay bixiyaan Shirkadaha Isgaadhsiintu, sida lacagta ku shubashada, Internetka iyo fariimaha si loo ogaado cashuuraha ku waajibay shirkadaha Isgaadhsiinta, mana aha qalabkani mid gaadhaya haba yaraatee  xogta gaar ah ee macmiilka, balse waa mid qorshaha ku talogalkiisu yahay kaliya kor u qaadista dakhliga cashuuraha ee rasmi ahaan ku waajibay Isgaadhsiinta gaarka loo leeyahay.

Waxa kaloo Xukuumaddu hirgalisay  qalab loogu talogalay in lagu ogaado hirarka ay shirkadaha Isgaadhsiintu isticmaalaan, kaas oo ka kooban hubinta hirarka iyo sameynta  jidwalka Hirarka oo ah mid lagu ogaanayo isdhexgalka ku yimaada hirarka shirkadaha Isgaadhsiinta oo haddii ay dhacdo si fudud u kala saari kara cabashadooda.

Arrimaha Bulshada:

Caafimaadka

Xukuumaddu iyadoo fulinaysa ballanqaadyadeedii ahaa kor u qaadida  adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada, waxay dib u furtay xarumo caafimaad oo gaadhaya 49 xarumood oo ku kala yaala Gobollada Dalka, kuwaasi oo qaarkood xidhnaayeen, waxaana la dhisay 16 xarun caafimaad oo  badankooda laga sameeyey degaanno aanay hore uga jirin adeegyo caafimaad. Dedaalkaas lagu ballaadhiyey adeegyada caafimaadka waxay kor u qaadeen tirada dadka loo adeegay, kuwaas oo ka badan kuwii loo qabtay sannadkii 2017kii, iyadoo korodhka 2018ka ee adeegyada caafimaad yihiin 106,931 qof oo celcelis ahaanna kordhkaasi u dhigmo 31%.

Si loo yareeyo culayska saaran mishiinka Kelyaha ee yaala Cisbitaalka weyn ee Hargeysa oo ahaa ka qudha ee dalka yaala, ayaa Xukuumaddu waxay cisbitaalka guud  ee magaalada Burco u soo iibisay mishiin labaad oo ah ka kelyaha lagu sifeeyo oo intii aan Hargeysa la keenin dibadda loogu tagi jiray.

Cisbitaallada dalka ku yaala ayaa lagu kordhiyey qalabyo caafimaad iyo dab dhaliyeyaal, waxaanu qalabkaasi iskugu jiraa X-Rayo Digital ah, Mishiinno dab-dhaliye ah, Ultrasound, Gene-Xpert, ECG Michins,Monitors iyo Dialysis Michins.

LA SOCO…………………………………………………

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here