Itoobiya iyo UAE oo ka Heshiiyey Muruqmaalka ka Shaqeysta Imaaraadka

0
221
Wasiirka Khaarajiga Itoobiya iyo Wasiirka Shaqaalaha UAE

Addis-ababa(Gudgude)- Dawladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta,  ayaa kala saxeexday heshiis laba geesood ah oo la xidhiidha  sidii loo ilaalin lahaa   muruqmaalka  Itoobiyaanka ah ee ka shaqeeya Waddanka Imaaraadka Carabta dhexdiisa.

Heshiiskaas ku wajahan xuquuqda shaqaalaha  oo maanta lagu kala saxeexday Addis-ababa, waxaa Itoobiya u saxeexay Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Workneh Gebeyehu, halka dawladda Imaaraadkana uu qalinka ugu duugay  Wasiirka Shaqaalaha Nasser binu  Taani.

Sidoo kale, Itoobiya waxay  heshiisyo ay ku ilaalinayso xuquuqda xoogsatada dalkeeda u dhashay ee u shaqo tagey dibadaha  ay la gashay dalalka Gadar, Kuwayt iyo Sucuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here