Hargeysa(Gudgude)– Taliyaha Booliska Gobolka Oromiya ee Itoobiya Alemayehu Ejigu, ayaa ballanqaaday in aanay u dulqaadan doonin wax uu ugu yeedhay xoogag doonaya inay khal-khal geliyaan ammaanka gobolkaas.
Siday baahisay Warbaahinta dawladdu, Taliyaha Booliska Oromiya wuxuu xaqiijiyey in gobolkaas lagu dilay afartii bilood ee la soo dhaafay 29 qof oo shicib ah iyo 12 sarkaal oo boolis ah oo ay ka mid ahaayeen laba Taliye deegaan.
Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in sidoo kale rebashadaha gobolkaas ka dhacay ay ku dhaawacmeen 77 askari oo Boolis ah iyo 40 xubnood oo maleeshiya ah.
Booliska Gobolka Oromiya waxa kaloo ay intaas ku dareen in magaalooyin ku yaalla gobolkaas laga jabsaday saldhig boolis Laba Kun iyo Laba iyo Toddobaatan qori, halka lacag 3 Milyan oo Bir ahna laga xaday xafiisyo dawladeed iyo bangiyo ku yaalla galbeedka degaanka Wollega.
Taliyaha Booliska Oroomiya wuxuu ku eedeeyey rebshadaha ka dhacay galbeedka gobolkaas inay ka dambeeyaan xubno ka mid ah jabhadda xoreynta Oroomiya ee OLF.